Connect with us

somalilandtoday.com

War Deg Deg Ah: Kooxda Manchester United Oo Shaqadii Ka Caydhisay Jose Mourinho

focus

War Deg Deg Ah: Kooxda Manchester United Oo Shaqadii Ka Caydhisay Jose Mourinho


(SLT-Manchester)Manchester United ayaa ku dhawaaqday iney shaqada ka ceyrisay tababare Jose Mourinho kadib guuldaradii uu kala kulmay Liverpool, waana markii labaad oo ay Liverpool sabab u noqoto in laga ceyriyo tababarahaan shaqooyinka kooxaha horyaalka Premier League.

Maamulka Red Devils waxey go’aansadeen iney shaqada ka ceyriyaan Jose Mourinho kadib laba sano iyo bar uu kooxda maamulay, waxeyna noqotay sheeko lama filaan ah in wakhtigaan uu kusoo aado warkaan ay ku farxeen jamaahiirta kooxda shayaadiinta.

Waxaa la xasuustaa In Jose Mourinho laga ceyriyay shaqada Blues dhamaadka sanadkii 2015 kadib markii ay guuldaro 3-1 ah kala kulmeen Liverpool, waana markii labaad uu Jurgen Klopp masuul ka noqonayo inuu Mourinho shaqadiisa waayo.

“Kooxda waxey uga mahad celineysaa Jose Mourinho shaqadii uu kooxda usoo hayay wakhtigiisa, waxaana u rajeyneynaa inuu ku guuleysto mustaqbalkiisa” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay kooxda Red Devils.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top