Connect with us

somalilandtoday.com

Nin 40 Jir Ah Oo Dalka Hindiya Ku Kufsaday Gabadh Yar Oo Saddex Sanno Jirtay

focus

Nin 40 Jir Ah Oo Dalka Hindiya Ku Kufsaday Gabadh Yar Oo Saddex Sanno Jirtay

(SLT-Hindiya)-Gabadh saddex sanno jir ah oo ku nool dalka Hindiya ayaa xaaladdeeda caafimaad laga dayrinayaa, ka dib markii uu nin daris la ahaa ku kufsaday magaalada Delhi.

Ninka falkan lagu soo eedeeyey ayaa ah 40 sano jir waardiye ah oo ka howlgalayey dhismaha ay gabadha yar ku nooleyd.

Xabsiga ayaa loo taxaabay ninka lagu soo eedeeyay dambigan.

Booliska ayaa helay gabadha oo suuxsan, isbitaalka ayeyna ula carareen, halkaas oo ay qalliin ku marayso.

Falkan ayaa dhacay maalintii Axada ahayd, xilligaas oo ku beegnayd lix sanno guuradii ka soo wareegatay markii ay koox rag ah si wada jir ah gabar ardayad ah ugu kufsadeen basuu lahaa Iskuul ku yaalla magaalada Delhi.

Madaxa guddiga dumarka ee magaalada Delhi ayaa tiri ” Dhacdadan niyad jab ayey ku noqotay dalka oo dhan”.

dad fara badan oo ka carooday dhacdadan ayaa sameeyay dibadbaxyo ay uga soo horjeedaan dhacdadan.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top