Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Oo Walaac Ka Muujiyay Isbadalka Ka Socda Geeska Afrika

focus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Oo Walaac Ka Muujiyay Isbadalka Ka Socda Geeska Afrika

(SLT-Jabuuti)Ismaaciil Cumar Geelle Madaxweynaha Jabuuti ayaa walaac xooggan ka muujiyay is-bedellada ka socda Geeska Afrika, isagoo ku taliyay in la dhawro dalalka gobolka, islamarkaana Umadda gobolka ay leeyihiin Ururo ka shaqeeya Isdhexgalka.

Madaxweyne Geelle waxaa uu sheegay inuu soo dhaweynayo isbedellada ka socda gobolka, balse loo baahan yahay in isbedellada socda laga eego faa’iidooyin iyo wixii dibin-daabyo ah ee ku duugan.

“Waxaa wanaagsan in fiiro dheer loo yeesho waxa ay dunidu rabto iyo sida ay dalalka kale ee gobolku ula fal-geli karaan isbedellada socda,” ayuu yiri Madaxweynaha waddanka Jabuuti oo ku maahmaahay; ‘Waan Baahanahay Bahallo looma cumo’.

Geelle ayaa xusay in dalalka Geeska Afrika ay leeyihiin urur ay ku mideysan yihiin loo yaqaanno IGAD, kaasoo oo guta xilka iskaashiga dalalka Gobolka, isagoo xusay in looga dambeeyo howlaha is-dhex-galka gobolka.

“Tusaale ahaan Dowladaha Jabuuti iyo Itoobiya waxay qaadeen talaabooyin ku dayasho mudan, kuwaasoo ku saabsan dhanka is-dhex-galka wadamada gobolka,”ayuu yiri Madaxweyne Geelle.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top