(SLT-Hargaysa)Prof Cabdi Cali Jaamac oo ka mid ah aqoonyahanka somaliland ayaa ka hadlay shirkii maanta lagu soo gaba gabeeyey magaalada Djibouti ee ku saabsanaa isbadalada ka socda Geeska Afrika.
Prof Cabdi Cali Jaamac oo soo saaray qoraal uu kaga hadlayey shirkaasi ayaa waxa uu ku yidhi:-
Ra’iisal wasaare ku xigeenkii Somalia ayaa fadhiyay; Djibouti oo aynu ognahay halkay ka taagan tahay qaddiyada Somaliland ayaa gogosha fidisay; innagu ma talaynu ku tagnay; haddaynu talo ku tagnay, waxan leeyahay dib ha loogu noqdo taladaas; haddii dadka tegay ay mashruuc ama dalxiis ka ahaydna, waa in lala xisaabtamaa.
Immika qorshaha la wadaa
markaan qiyaasay waa in innagoo soo taag-taagan caadi laga dhigo sheekadii Somali wayn; mabaan arag maalin ay ka dhiiran yihiin; oo ka farsamo fiican yihiin, waabay ina xushan yihiin ba; niyad jabkii ka dhashay doorashadana si fiican bay uga faa’iidaysteen.
Waxan yara dhegaystay doodda qaar xaggeena ka socday; wallahi waxay u hadlayeen sidii oo ay ka mid yihiin Muqdisho; waar goormaa sidan loo jabay?; waar shaw mehereddu beri hore ayay kacday ba?; qodh iyo xaro, laftii bay jabinayaan kuwani; waxan moodayay in oogada sare ee jidhka la gar-garaacayo; waar talaw miyay kuwani innaga aragti dheer yihiin; mise way innaga fariidsan yihiin?!!!; mise hoostaa laga diray?; mise xaalku waa dheglay ku shub, dhan walba ha lagu qadee; hashu maankayga gadee ma masaar bay liqday?!!! ; bal adba?
Si kasataba ha ahaatee, haddii xukuumaddu sidaa uga sii aamusnaato, taasi waxbay inoo iftiimin doontaa; waxana ku xigi doonaa waxyaalo faro badan oo looma fadhi ah; haddiise ay ka gilgilato, wali arrinku ma foga; waana loo wada joogaa siday yeeshaba!!!
Ugu danbyntii, shirka cinwaankisu wuxu ahaa sidee looga faa’iidaysan karaa isbeddelka geeska ka socda; dee yaa wax ka dhexeeyaan ee ka faa’iidaysanayaa; dee nin baa immika muraad lahaa; maxaad ugu cammirteen; kuwii uu daba socon jiray ha ba u cammiraane?; ma laha xaalkeenuba waa inta tigidh bilaash ah iyo habeen-dhax la inoo soo fidinayo!!!; Alla kariim!!!
Cabdo; u dhaq-dhaqaaqa arrimaha bulshada iyo maamul wanaagga.