Connect with us

somalilandtoday.com

Siyaasiyiin Culus Oo La Saadaalinayo Inay Safka Hore Kaga Jiraan Isku Shaadhaynta Uu Soo Wado Madaxweyne Biixi Iyo Rag Mucaaridka Ka Tirsan Oo ka Soo Dhex Muuqan Doona

News

Siyaasiyiin Culus Oo La Saadaalinayo Inay Safka Hore Kaga Jiraan Isku Shaadhaynta Uu Soo Wado Madaxweyne Biixi Iyo Rag Mucaaridka Ka Tirsan Oo ka Soo Dhex Muuqan Doona

(SLT-Hargeysa)-Iyadoo ay hadda u dhamaatay Muddo sannad ahi Jiritaanka Xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa si weyn loogu dhegtaagayaa xogo mudooyinkii u dambeeya la hadal hayay oo sheegaya inuu Madaxweynuhu wax ka badel gun iyo baar ah ku samaynayo Xukuumaddiisa, islamarkaana uu ka jawaabayo Saluugga Siyaasadeed ee laga qabo Xubnihii uu hore ugu xushay Xukuumaddiisa.

Illo-Wareedyo lagu kalsoon yahay oo Wargeyska Foore soo gaadhay ayaa iftiimiyay in Madaxweyne Biixi Maalmahan ku mashquulsan yahay xulashada Rag ruug-cadaaya oo aanay wax saluug ahi kaga so noqon dhinaca Bulshada iyo Shaqada, waxaana sidda la sheegay safka hore kaga jira siyaasiyiin Muddo afartan sanno ka badan ku soo dhex jiray Siyaasada Soomaalida, iyo Somaliland-ba, kuwaasi sida xogtan aanu ku helnay loo dhiibayo ama loo magacaabayo Wasaaraddaha ugu Miisaanka culus ee sida wayn Bulshadu u saluugsantay hadda hanaanka Shaqadooda.

Warar kale ayaa sheegaya in Iskushaandhayntan ay kasoo dhex muuqan doonaan Siyaasiyiin Axsaabta Mucaaridka ka tirsan oo inta badan ka hadli jiray islamarkaana dhaliili jiray Siyaasada Xukuumadda Muuse Biixi balse Mudooyinkan dambe ku gaaf wareegayay Madaxtooyadda, xil doonna ahaa kuwaasi oo u diga rogan doona kanna mid noqon doona Xisbi Xaakimka Kulmiye. talaabadan ayaa noqon doonta Mid ku cusub Saaxadda Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi tan iyo markii uu hogaanka dalka qabtay oo aanu Xukuumaddiisa ku soo darin Siyaasiyiin ka afkaar duwanaa wakhtigii ololaha oo kasoo horjeeday oo uu xilal u dhiibo. Dhinaca kale Haweenka ayuu kuraas door ah oo aanu hore ugu magacaabin doorkan uu siinayaa taasi oo jawaab u noqon doonta saluugga haweenkii Kulmiye ka qabeen Dhismihii hore ee Xukuumaddiisa.

Lama garanayo wakhtiga rasmiga ah ee ay soo baxayso isku shaandhayntani balse illo-Wareedyaddan ayaa Wargeyska Foore u xaqiijiyay inay dhinaca Madaxweynaha ka dhan tahay oo ay dhici karto in saacadii la doono ay soo bixi karto, wallow warar kale oo maalmihii u dambeeyay suuqa soo galay ay sheegayaan inuu marka hore doonayay inuu isku shaandhaynta ka soo horaysiiyo dhismaha Xisbiga Kulmiye oo uu doonayo inuu isna gun iyo baar wax kabadel ku sameeyo. Xaaladdan ayaa dadku ka dhur sugayaa sida ay noqon doonto.
Foore

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in News

To Top