Connect with us

somalilandtoday.com

Hadraawi Waajibkiisii Wuu Gutey

Articles

Hadraawi Waajibkiisii Wuu Gutey

Binu’aadamka waxa Alle u doortay in ay aduunka wakiilo uga noqdaan , waxaanu Ku amray in aanay arladda fasahaadin inta alle islaaxiyay Ka dib ,sidàa darteed qof waliba wuxuu aduunyada yimaadaa isagoo xambaarsan masuiliyadaas wayn ee culus .

Hadaba mudada kooban ee qofku aduunka joogo ayuu qof waliba gutaa qayb Ka mida waajibaadkaas wayn ,waxaase laggu Kala duwan yahay baaxada waajib gudashada , dadkuna sidiisiba isku itaal iyo isku karaan ma noqon karaan.

Sidaas oo ay tahay , abwàan maxamed ibraahin hadraawi waajibkiisii wuu gutey aduunyada kaga beegnaa ,noloshiisii oo dhana wuxuu Ku qaatay halgan , halgankaasoo wejiyo badan lahaa .

style=”font-size:16px;”>Hadraawi wuxuu u halgamay xuquuqda aadamaha falastiin ,soomaali ilaa fiidnaam ,wuxuu u halgamay cadaalada ,wuxuu u halgamay toosinta qiyamka iyo akhlaaqda .
Ugu danbayn hadraawi ilaalinta deegaanka,dhawrista ba’ada ,daryeelka ugaadha iyo noolayaasha oo dhan buu halgankiisu gaadhay .

Si kastaba ha ahaatee , hadraawi waajibkiisii wuu gutey,umaduna waajibkeeda loo tilmaamaayo , hadraawi na magaciisa iyo milgihiisu way waari doonaan inta aan suurta la afuifin .

W/Q: Axmed Nuur Guruje.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top