Connect with us

somalilandtoday.com

Guddoomiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka Kenya Oo Ka Codsadah Haweenka Dalkaas Inay Raggooda U Ogoladaan Guurka Saddex Haween Ah.

focus

Guddoomiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka Kenya Oo Ka Codsadah Haweenka Dalkaas Inay Raggooda U Ogoladaan Guurka Saddex Haween Ah.


(SLT-Nairobi) Aadan Barre Ducaale hogaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka dalka Kenya ayaa ka dalbaday Dumarka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya inay ragooda u ogolaadan inuu la guursado seddex xaas oo kale.

Isaga oo ka qeyb galayay kulan ka dhacay dalka Kenya ayuu sheegay in dadka Kenyan-ka ay aamisan yihiin inay ka badan yihiin Soomaalida, taasina loo baahan yahay in meesha laga saaro.

Dadka qurbe joogta ah, Soomaalida Kenya ee xoola dhaqashada u soo galay gudaha Soomaaliya iyo dadka kale ee Miyiga jira ayuu ugu baaqay in ay ka qeybqaataan tirakoobka iskana bareejeeyaan qabiillada kale ee Kenya.

Wuxuu ka dalbaday haweenka Soomaaliyeed in Seygooda u ogolaadaan inuu seddex xaas la guursado, si sanadka dambe Afar caruur ah uu u helo, islamarkaana la kordhiyo tirada Qowmiyadda Soomaaliyeed ee dalka Kenya.

Dhamaadka sanadka soo socda aya Kenya waxaa ka dhaceysa tirakoobka dadweynaha Kenya oo qowmiyad kasta la tirakoobo.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top