Connect with us

somalilandtoday.com

Wasiir Ka Tirsan Xukuumadda Farmaajo Oo Isu-casilay Xiisada Baydhabo Awgeed.

focus

Wasiir Ka Tirsan Xukuumadda Farmaajo Oo Isu-casilay Xiisada Baydhabo Awgeed.


(SLT-Baydhabo) Wasiirka howlaha guud iyo dib udhiska Dalkaasi Soomaaliya Cabdi fitaax Ibraahim Geesey ayaa goordhaw ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkaas.

Wasiirka ayaa sheegay in is casilaadiisa ay sabab u tahay wax uu ku sheegay faragein qaawan oo lagu haayo doorashada Koofur Galbeed Soomaaliya oo ay ka dambeeyaan hogaanka Madaxtooyada Soomaaliya.

Is casilaada wasiirka ayaa ku soo beegan tahay xili ay sii xumaaneyso xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, warar kale ayaa jira oo sheegaya iney is casilayaan wasiiro kale oo ka soo galay Koofur Galbeed Soomaaliya.

Wasiirka maanta is casilay ayaa sidoo kale ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaaliya.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top