Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweynaha Somaliland Oo Dawladda Itoobiya Ka Tacsi Yadeeyay Geerida Madaxweynihii Hore Ee Dalkaas.

focus

Madaxweynaha Somaliland Oo Dawladda Itoobiya Ka Tacsi Yadeeyay Geerida Madaxweynihii Hore Ee Dalkaas.

(SLT-Hargaysa)Madaxweynaha Somaliland Oo Soo Saaray War Qoraala Oo Ku Socda Dawlada Itobiya Iyo Shacbigeeda
Xafiiska Af-hayeenka Madaxweynaha JSL

Taariikh: 15/12/2018

Dhambaal Tacsi Ah

Madaxweynaha Somaliland Oo Dhambaal Tacsi Ah U Diray Dawladda iyo Shacbiga Itoobiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu Dhambaal Tacsi ah u dirayaa dawladda federaalka Itoobiya iyo shacbi weynaha dalkaasi aynu jaarka nahay isagoo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid madaxweynihii hore ee dalka Itoobiya, Girma Walde giyorgis oo xalay ku geeriyooday Cusbitaal ku yaalla Magaaladda Addis Ababa.

Madaxweynuhu waxa uu Madaxweynihii hore ee geeriyooday ku tilmaamay siyaasi ka baxay dawladda Federaalka Itoobiya iyo mandaqadda Geeska Afrikaba, isla markaana muddadii uu xilka hayey door laxaad leh ka qaatay iskaashiga iyo xidhiidhka labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya.

Madaxweynuhu waxa uu shacbiga Itoobiya iyo dawladdaba mar labaad ka tacsiyadaynayaa geerida ku timi madaxweynihii hore ee dalkaas Girma Walde giyorgis.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top