Connect with us

somalilandtoday.com

Macalinka Kooxda Manchester United Oo Ammanay Weeraryahanka Liverpool Ee Mohamed Salah.

focus

Macalinka Kooxda Manchester United Oo Ammanay Weeraryahanka Liverpool Ee Mohamed Salah.


(SLT-Manchester) Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester United, Jose Mourinho ayaa sheegay in kooxdiisu ay la kulmi doonto khatar sida hubka halista ah ee Nukliyeerka marka ay maanta iska hor yimaaddaan Liverpool.

Salah iyo Mourinho ayaa waqti kusoo wada qaatay Chelsea, waxaana uu tababaraha reer Portugal ahaa shaqsigii ogolaaday in Mohamed uu ka tago Chelsea oo uu ku biiro Fiorentina ka hor intii aanay AS Roma si buuxda u iibsanin, taas oo ugu dambayn ay Liverpool kaga soo qaadatay £36.9million.

Mourinho oo aqoon fiican u leh Salah waxa uu sheegay inuu horumar cajiib ah sameeyey oo sare isku qaaday jidh ahaan, orod ahaanba, haddana uu yahay nin xoog badan oo awood u leh inuu u ciyaaro kooxaha Barcelona iyo Real Madrid.

“Horumar cajiib ah ayuu sameeyey dhinac walba. Jidh ahaan wuu horumaray, orodkiisu waa degdeg. Markii hore wuxuu ahaa diciif, haddana nin orod badan oo xoog badan.” Sidaas ayuu yidhi Mourinho.

Tababare Jose Mourinho waxa uu tilmaamay in nafsi ahaan uu Mohamed Salah ula qabsan waayey horyaalka Ingiriiska ee Premier League markii ay kasoo qaateen Kooxda reer Switzerland ee FC Basel, waxaanu yidhi:

“Saykoolaji ahaan ayuu ula qabsan waayey, sababtuna waxay ahayd in aanu toos uga keenay Switzerland (Basel) oo aanu koox weyn oo Premier League ah dhax keenay.

Aad ayay uga weynayd. Waxa aan xasuustaa markii aan ciyaarsiiyey kulankii White Hart Lane (Tottenham vs Chelsea) iyo Etihad (Man City vs Chelsea), aad ayey ugu cuslaayeen. Laakiin hadda wuxuu u ciyaari karaa koox kasta, wuxuu tegi karaa Barcelona, wuxuu tegi karaa Madrid, wuxuuna u ciyaaraa sidii uu leeyahay ‘waxaan ahay Mo-Mo oo cidna kama cabsado’.

“Waa ciyaartoy wanaagsan oo gebi ahaanba ka duwan laacibkii aanu ka keenay Basel ee aanu Chelsea geynay, wuxuuna noqonayaa ciyaartoyga ugu wanaagsan dunida.” Ayuu mar kale yidhi Jose Mourinho.

Tababaraha reer Portugal waxa uu sheegay inay qiimayn ku sameeyaan koox kasta ka hor inta aanay la ciyaarin, isla markaana eegaan meelaha ay diciifka ka yihiin iyo meelaha ay ka xooggan yihiinba, balse Liverpool ay leedahay meelo badan oo ay ka xooggan tahay, waxaanu yidhi: “Kulan kasta waxa aanu isku daynaa inaanu gorfayno kooxda aanu la ciyaarayno, waxaanu isku daynaa inaanu ogaano meelaha ay ka xooggan yihiin iyo meelaha ay diciifka ka yihiin, marka aad Liverpool u tagtana waxay leedahay meelo badan oo ay ka xoogan tahay laakiin dabcan isaga (Mo Salah) ayaa ah awoodda nukliyeerka ee ay haystaan.”

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top