Connect with us

somalilandtoday.com

Ergo Odayaal Ah Oo Madaxtooyada Ku Wada Hadalsiiyay Xisbiyada Mucaaridka Iyo Madaxweynaha Somaliland +SAWIRRO

English

Ergo Odayaal Ah Oo Madaxtooyada Ku Wada Hadalsiiyay Xisbiyada Mucaaridka Iyo Madaxweynaha Somaliland +SAWIRRO

(SLT-Hargaysa) Ergo waan waan ka dhex waday maalmihii u danbeeyay Mucaaridka Somaliland iyo Xukuumadda ayaa caawa Madaxtooyada isugu keenay labada dhinac. Kulan kaas kadib ayaa war-saxafadeed nuqul kamid ahi soo gaadhay shabakadda wararka Somalilandtoday madaxtooyadu ka soo saartay kaas oo u dhignaa sidan.

WAR-MURTIYEED: 16/12/2018
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, oo uu wehelinaayo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa caawa kulan muhiima la qaatay hoggaanka axsaabta qaranka, madaxweyne ku xigeenadii hore, siyaasiyiin iyo madaxda ururrada bulshada rayidka ah.

kulankan uu madaxweynuhu isugu yeedhay axsaabta qaranka, madaxweyne ku xigeenadii hore iyo ururrada Bulshada rayidka ah, ayaa ujeedadiisu ahayd sidii wada-jir iyo isku duubni loogu wajahi lahaa arrimaha ku gedaaman qabsoomidda doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka, waxana ay hoggaanka axsaabta qaranku muujiyeen muhiimadda ay leedahay qabsoomidda doorashooyinku si loo xaqiijiyo geeddi-socodka Dimuqaariyadda Somaliland iyo in meesha laga saaro caqabadaha hortaagan qabsoomidda doorashooyinkaas, isla markaana lagu diyaarin lahaa jawi ay doorashooyinku ku qabsoomi karaan.

Ugu dambayntii waxa ay hoggaanka saddexda xisbi ee UCID, KULMIYE iyo WADDANI wada jir u go’aamiyeen qodobbadan hoos ku qoran:

  1. In doorashada goleyaasha wakiillada iyo deegaanku ku qabsoonto dhammaadka sannadka 2019-ka.
  2. In si wada-jir ah ay uga wada-hawl galaan xallinta iyo dhammaystirka wax kasta oo ku xidhan qabsoomidda doorashada.
  3. In si niyadsami ah loo sii wado wada-tashiga iyo wada-hadallada saddexda guddi ee xisbiyada qaranka.
  4. In wixii caqabad ah ee soo kordha laga wada-tashado.

ALLAA MAHAD LEH
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in English

To Top