Connect with us

somalilandtoday.com

SOOMALIYA: Magaalada Baydhabo Oo Xaalad Aan Degenayn Ku Sugan+Awood Ciidan Oo La Adeegsaday

focus

SOOMALIYA: Magaalada Baydhabo Oo Xaalad Aan Degenayn Ku Sugan+Awood Ciidan Oo La Adeegsaday

(SLT-Baydhabo)Xaalada magaalada Baydhabo ayaa gelinkii dambe ee maanta aheyd mid degan, kaddib markii labadii maalmood ee la soo dhaafay ay ka socdeen dibad baxyo rabshado watay oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Sida wararku sheegayaan Ciidamada Booliska, Nabadsugida iyo Milateriga Soomaaliya oo ay wehliyaan Ciidamada Itoobiya ayaa awood u adeegsaday joojinta dibad baxyada maalintii 3aad socday, kaasoo looga soo horjeeday xarigga Mukhtaar Roobow.


Wararka ayaa sheegaya in illaa labo boqol oo ruux oo u badan dhalinyaro ay xireen Ciidamada ammaanka, waxaana la sheegayaa in banaan baxyadii rabshadaha watay uu maanta ku dhintay wiil dhalinyaro ah, halka kuwa kale ku dhaawacmeen.

Wasiirka Amniga Koofur Galbeed ayaa ugu baaqay shacabka inay is dejiyaan, ciidankana kala shaqeeyaan amniga, isagoo xusay in aan loo baahneyn rabshado iyo fowdo abuura xasillooni daro amni.

Maalinta berri lagu wado inay bilaabato dhageysiga khudbadaha Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Koofur Galbeed, waxaana Guddiga doorashada uu ku adkeysanayaa in doorashada ay u dhici doonto waqtigii loogu tala galay.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top