Connect with us

somalilandtoday.com

Raysal Wasarihii Dalka Sri-lanka Oo Is-casilay

focus

Raysal Wasarihii Dalka Sri-lanka Oo Is-casilay


Ra’iisulwasaraahii Sri Link, Mahinda Rajapaksa,ayaa ku dhawaaqay inuu is casilay kadib mudo ay heesatay xaalado siyaasadeed ooaanan fadhinin taas oo sabab u noqotay in ay istaagaan shaqooyinkii dowlada SriLink.

Ra’iisul wasaaraha ayaa is casilaadiisa uga hor dhawaaqay kooxo taageerayaashiisa ah iyo wariyaal kuwaas oo ku sugnaa qasriga uu ka daganyahay caasimada dalkaasi ee Colombo.

Ra’iisul wasaarahan oo 73 jir ah ayaanan wax faahfaahin dheeraad ah aanan ka bixinin sababaha ka danbeeyay in uu is casilo .

Dhibaatooyinka dalka Sri Link ayaa socday tan iyo bishii October waqtigaas oo uu madaxwaynaha dalka shaqada ka ceeriyay ra’iisul wasaarihii hore ee dalkaasi asagoona ku badalay ra’iisul wasaaraha haatan xilka ka dagay oo asaga qudhiisa lagu soo eedeeyay musuq maasuq iyo ku tumasho xuquuqda aadanaha.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top