Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweynaha Eritrea Oo Maanta Ku Waajahan Magaalada Muqdisho

News

Madaxweynaha Eritrea Oo Maanta Ku Waajahan Magaalada Muqdisho

(SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa maanta oo Khamiis ah booqasho rasmi ah ku tagaya magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya, kaddib casuumaad uu ka helay Madaxweyne Farmaajo.

Booqashada Madaxweyne Isaias ee Muqdisho ayaa qaadan doonta labo maalmood, sida ay sheegayaan warar laga helayo Madaxtooyada.

Qoraal goor dhow la soo dhigay Barta Twitter-ka Villa Somalia ayaa lagu shaaciyay booqashada Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki.

Madaxweyne Farmaajo iyo dhiggiisa Eritrea ayaa ka wada hadli doona xoojinta xidhiidhka labada dal oo dhowaan dib u bilowday.

Madaxweyne Farmaajo ayaa bishii July booqday magaalada Asmara ee dalka Eritrea, isagoo noqday Madaxweynihii u horeeyay oo Soomaaliyeed oo booqasho ku taga Eritrea.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo la xiray inta badan waddooyinka waa weyn.

Booqashada Madaxweynaha Eritrea ee Muqdisho ayaa ku soo aadaya, iyadoo xiisad siyaasadeed uu galay dalka, kaddib mooshin xil ka qaadis oo laga keenay Madaxweyne Farmaajo oo dhowaan ay gudbiyeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in News

To Top