Connect with us

somalilandtoday.com

Dawladda Faransiiska Oo Shaacisay Xogta Ninkii Fuliyey Weerar Hubeysan

focus

Dawladda Faransiiska Oo Shaacisay Xogta Ninkii Fuliyey Weerar Hubeysan

(SLT-Paris)-Booliiska Faransiiska ayaa baadi-goob weyn ugu jira ninki geystay weerar ka dhacay magaalada Strasbourg habeenkii Arbacada soo galeysay.

Ninkan ayaa rasaas ku furay dad ku sugnaa goob suuq ah, wuxuuna dilay ugu yaraan 2 qof, isagoo kadib goobtaasi iska horimaad kula galay ciidamada amniga.

Cherif Chekatt oo ah 29 jir muslim ah ayaa la sheegay inuu ku dhashay magaalada Strasbourg, ninkani ayaa la sheegay inuu goobta ka baxsaday isagoo dhaawac ah.

Booliiska ayaa sheegay in ninkan uu horey uga mid ahaan jiray kooxaha burcada ah isla markaana horey marar badan loogu xiray danbiyo oo uu ka galay gudaha wadamada France, Germany iyo Switzerland.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top