Connect with us

somalilandtoday.com

Xukuumadda Soomaliya Oo Ruqsad Kalumaysi Siisay Sherkado Shiine Ah Iyo Somaliland Oo Ka Hadashay

focus

Xukuumadda Soomaliya Oo Ruqsad Kalumaysi Siisay Sherkado Shiine Ah Iyo Somaliland Oo Ka Hadashay

(SLT-Muqdisho) Dawwladda Soomaaliya ayaa shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha siisay 32 ruqsadood shati Kalluumeysi ah, sida uu xaqiijiyay Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda C/llaahi Bidhaan Warsame.

Shirkadda la siiyay ruqsada ayaa lagu magacaabaa COFA oo laga leeyahay dalka Shiinaha, ruqsad bixintan ayaa ah markii u horeysay muddo 30 sano ah oo si daah furan loo bixiyo shatiyo kalluumeysi ah oo la siinayo iskaashatooyin ka soo jeeda Shiinaha.

Wararka ayaa sheegaya in 32 shati ee ay bixisay Wasaaradda Kalluumeysiga lagu bixiyay lacag dhan Hal Milyan oo dollar, waxaana lacagtan ay si toos ugu dhici doontaa Bangiga Dhexe.

Ruqsadaha kalluumeysi ee la bixiyay ayaa waxaa fududeeyay heshiis bishii Febraayo ee sanadkan dhex maray dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada oo ku heshiiyay qaabka loo qeybsanayo kheyraadka dalka.

Dhinaca kale Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo Khayraadka Badaha Somaliland Xasan Maxamed Gaafaadhi Oo Saxaafadda la hadlay ayaa Sheegay In aanu Somaliland khusayn heshiiskaasi, sherkadaha Shiinaha ahina aanay iman karin badaha Somaliland .

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top