Connect with us

somalilandtoday.com

Deeqa Jibriil Oo Ah Nin Soomaliyeed Oo Maraykanka Kula Tartantay Kagana Guulaysatay Ganacsade Caan Ah.

focus

Deeqa Jibriil Oo Ah Nin Soomaliyeed Oo Maraykanka Kula Tartantay Kagana Guulaysatay Ganacsade Caan Ah.

(SLT-Washington)Haweeney soomaali ah ayaa loo doortay golaha deegaanka ee South Portland City ee gobolka Main ee dalka Mareykanka.

Deeqa Dhalac ayaa ka guuleysatay nin ganacsade caddaan ah oo caan ka ahaa deegaankaasi.

Gabadhan oo horay uga shaqeyn jirtay arrimaha bulshada ayaa noqoneysa qofkii ugu horreeyay oo Muslim ah oo deegaankaasi laga doorto.

Doorashadan ayaa ahayd mid gaar ah, kaddib markii uu ninkii xilka haayey iska casilay.

Horaantii bishii October ayaa Deeqo iyo musharixiin kale waxa ay loollan u galeen kursigaasi.

Deeqa ayaa waxa ay ka guulaysatay nin aad caan u ah oo ganacsiyo ku leh magaaladaas oo lagu magacaabo Donald, kaasoo helay 7 boqol oo cod halka ay Deeqo heshay laba jibaar tirada uu helay Donald.

Deeqa ayaa waxa ay daganayd magaalada South Portland muddo 10 sano ah, waxa ayna ka soo qabatay barnaamijyo kala duwan sida qaybta xanaanada carruurta, qaybta guryaha ee magaalada iyo barnaamijyo caafimaad.

Magaalada lagu soo doortay Deeqo ayaa waxa aad ugu yar Soomaalida, balse waxaa jira dad Soomaali ah oo dagan magaalo aad ugu dhaw oo lagu magacaabo Bonland.

Barasaabka magaaladaas ayaa waxa uu horay Soomaalida dagan ugu amray inay ka guuraan.

Dalka Mareykanka ayaa waayadan dambe waxa laga tixgeliyaa isdhexgalka bulshada, waxaana la soo dhaweeyana dadkii horay la takoori jiray, taas oo ka dhacday gobolo uu ka mid yahay Minesota oo laga soo doortay Ilhan Cumar siyaasiyiin kale oo Soomaali ah.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top