Connect with us

somalilandtoday.com

Khilaafkii Madaxda Dalkaasi Soomaliya Oo Wali Taagan.+Wararka Shir Doceedyo Wali Socda.

focus

Khilaafkii Madaxda Dalkaasi Soomaliya Oo Wali Taagan.+Wararka Shir Doceedyo Wali Socda.


(SLT-Muqdisho)Waxaa ilaa xalay kulamo gaar gaar ah ay ka dhaceen magaalada Muqdisho kuwaasi oo looga hadlayay mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha Soomaaliya.

Kulamada ka dhacay Villa Somalia ayaa xooga lagu saaray sidii loo xalin lahaa mooshinka laga gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya, waxaana xalinta arintaan ku biiray siyaasiyiin xilal kala duwan horey dalka uga soo qabtay.

Kulamada ugu badan ayaa u dhaxeeyay xildhibaanada baarlamaanka iyo xubnaha golaha wasiirada ah ee baarlamaanka ku jiro, waxaana loo xilsaaray qaarkood kala furfurida xildhibaanada wada mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha.
Warar radio lugo badan heleyso ayaa sheegaya in xildhibaanada sida adag ugu taagan mooshinka ay gaarayaan ilaa 50 xildhibaan inta kalana ay yihiin kuwo aan la isku haleyn karin, sida xildhibaanada qaar ay inoo sheegeen.

Xildhibaanada sida adag mooshinka u riixaya ayaa sheegay in xildhibaanada sheegay in laga been abuuray magacyadooda ay ka baqeen caga jugleyn lagu sameeyay, balse aysan jirin cid ka been sheegtay.

Xildhibaanada mucaaradka ayaa dhankooda kulamo kala duwan yeelanaya, waxaana ay ka tashanayaan sidii aan loo kala dhantaali laheyn, waxaana ay doonayaan in dood adag laga yeesho mooshinka.

Kulamada kala duwan ee isdiidaya ayaa sii kordhin kara xiisadda ka dhalatay mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha Soomaaliya, waxaase wali socda kala xodxodashada xildhibaanada baarlamaanka.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top