Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweynaha Faransiiska Oo Kulan Deg-deg Ah La Yeelanaya Ururada Shaqaalaha Dalkaasi

focus

Madaxweynaha Faransiiska Oo Kulan Deg-deg Ah La Yeelanaya Ururada Shaqaalaha Dalkaasi

(SLT-Paris)-Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa lagu wadaa inuu kulan la qaato ururada midowga shaqaalaha iyo shaqaalaha dalkaasi si loo dajiyo rabshadaha dhawaan ka dhacay magaalada Paris iyo magaalooyin dowr ah.

FILE PHOTO: French President Emmanuel Macron attends a meeting at the Elysee Palace in Paris, France, May 23, 2017. REUTERS/Philippe Wojazer/File Photo

Kulan maanta uu madaxweynaha Faransiiska la qaadanayo ururada shaqaalaha ayaa la filaya in shaaca looga qaado tallaaboyin looga hortagayo rabshadaha.

Dadka uu kulanka la qaadan doono Macron waxaa kamid dad matalaya ilaa shan ururada shaqaalaha iyo saddexda kamid ah ha’yadaha shaqaalaha.

Dalka Faransiiska waxaa hareeyay dibadbaxyo qalalaase wata oo ay wadeen dad kasoo horjeedo canshuurta shidaalka dalkaasi oo sare loo qaaday.

Ku dhawaad 50 baabuur ayaa dab la qabadsiiyay markii ay dibadbaxyada socdeenImage caption: Ku dhawaad 50 baabuur ayaa dab la qabadsiiyay markii ay dibadbaxyada socdeen
Ku dhawaad dad gaarayo 136,000 qof ayaa ka qeyb qaatay dibadbaxyada maalmihii lasoo dhaafay.

Meelaha sida ba’an ay u saameeyeen rabshadaha waxaa kamid ah magaalada Paris, burbur ayaa soo gaaray qaar kamid ah dhismooyinka magaalada.

Wasiirka maaliyadda dalkaasi, Bruno Le Maire ayaa ku tilmaamay dibadbaxyada ‘masiibo ka dhan ah ganacsiga iyo dhaqaalaha’.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top