Connect with us

somalilandtoday.com

Dawladda Suuriya Oo Dib Uga Laabatay War-bixinay Hore U Sii Dayeen.

focus

Dawladda Suuriya Oo Dib Uga Laabatay War-bixinay Hore U Sii Dayeen.

(SLT-Suria) xukuumadda Suuriya ayaa sheegtay inay meesha ka saartay warbixin ay hore u  qortay oo sheegeysay in gantaallada difaaca ee dalkaasi ay qabteen waxa ay ugu yeedheen  bartilmaameedka cadawga oo ku wajahnaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee ku yaalla magaalada Dhimishiq.

Warbaahinta wax sharraxaad ah kama aysan bixin sababta arrintaasi balse waxay sheegeen inaysan jirin wax dandaansi ah,xaaladdana ay caadi aheyd.

Dhanka kale, ururka la socda xaaladda xuquuqda aadanaha ee dalka Suuriya fadhigeedu yahay dalka Britain ayaa sheegay in dhawaaqa qarax laga maqlayay meel u dhaw garoonka diyaaradaha ee Dhimishiq.

Xukuumadda Moscow ayaa sare u qaaday gantaallada difaaca ee dalka Suuriya kaddib markii diyaarad xamuul oo uu Ruushka leeyahay aan si ula kac aheyn ay kusoo rideen ciidammada dowladda Suuriya bishii September halkaas oo ay ku dhinteen 15 qof oo saarnaa diyaaradda.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top