Connect with us

somalilandtoday.com

Weerar Lagu Kharajiyay Sarakiil Al-shabaab Ka Tirsan Oo Ka Dhacay Dalkaasi Soomaliya

focus

Weerar Lagu Kharajiyay Sarakiil Al-shabaab Ka Tirsan Oo Ka Dhacay Dalkaasi Soomaliya

(SLT-Basra) Wararka ka imaanaya deegaanka Basra ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in ciidamada Kumaandooska Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ay weerar qorsheysan ka fuliyeen deegaankaasi.

Howlgalka ayaa ciidamada amaanka waxay ka sameeyeen deegaankaasi xalay xilli dambe, waxaana ujeedada ay aheyd in la ugaarsado xubno ka tirsan Al Shabaab oo xiligaasi shir uu kaga socday deegaanka Basra.

Howlgalka ayaa xalay si gaar ah kaga dhacay deegaanka Afyaraani oo ah deegaan uu ku hareereysan yahay Wabiga Shabeelle, balse leh hal meel oo laga bixi karo, waxaana ciidamada oo watay diyaarad gaar ah la sheegay inay u degteen deegaanka.

Howlgalka ayaa si gaar ah waxaa loogu bartilmaameydsaday hooy uu ka degenaa deegaanka guddoomiyaha Al Shabaab ee deegaanka Basra, waxaana howlgalka ku dhintay rag ka tirsan Al Shabaab.

Masuuliyiin ka tirsan Hirshabeelle ayaa sheegay in howlgalka lagu doonayay ruux macagiisa ay ku koobeen Macalin Daahir oo ah horjoogaha Al Shabaab ee deegaanka.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in xubno ka tirsan Al Shabaab lagu dilay weerarka kuwo kalana nolosha lagu qabtay, sida saraakiisha dowladda ay sheegeen.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in xubnaha Al Shabaab ay gudaha u galeen deegaanka, waxaana walwal uu soo wajahay dadka deegaanka oo ka baqaya in Al Shabaab aargudasho ahaan ay u beegsadaan.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top