Connect with us

somalilandtoday.com

Suldaan Cali Suldaan Maxamed Oo Geeriyooday Iyo Madaxweyne Muuse Biixi Tacsi U Diray

focus

Suldaan Cali Suldaan Maxamed Oo Geeriyooday Iyo Madaxweyne Muuse Biixi Tacsi U Diray

(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa Madaxda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Suldaan Cali Suldaan Maxamed Sheekh Ismaaciil oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 09/12/2018, Magaalada Gabiley.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey rukun ka baxay madaxdhaqameedka dalka, isagoo ka soo shaqeeyey arrimaha nabadgalyada, dib u dhiska dalka iyo wada jirka bulshada Somaliland, kana soo jeeday saldanad soo jireen ah oo facweyn.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo Madaxda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Aamiin Aamiin Aamiin

Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top