Connect with us

somalilandtoday.com

Mudaharaadyada Ka Socda Dalka Faransiiska Oo Meel Khatara Maraaya Iyo Wararkii U Danbeeyay +SAWIRRO

advertise

Mudaharaadyada Ka Socda Dalka Faransiiska Oo Meel Khatara Maraaya Iyo Wararkii U Danbeeyay +SAWIRRO

(SLT-Paris )Rai’sul wasaaraha Faransiiska Edouard Philippe ayaa wacad ku maray in dib boodhka uga looga jafayo sidii loo midayn laha qaranka. Hadalka rai’sul wasaaraha ayaa ka dambeeyay ka dib dibadbaxyo waa wayn oo dalka Faransiiska ka dhacay.

Kumanaan kamid ah Dadka Mudaharaada ee Dalka Faransiiska Oo kala xidhay suuqyada.

Dowladda Faransiiska ayaa sheegtay in booliis badan oo loo daadgureeyay wadooyiinka ay gacan ka gaysteen xakamaynta rabshadihii Sabtidii ka dhacay Paris iyo magaalooyiin kale.

Wasiirka arrimaha dibadda Faransiiska Christophe Castaner ayaa ammaanay booliiska oo uu sheegay in ay xakameeyeen rabshadaha. Ku dhawaad kun mudaharaadayaal ah ayaa la sheegay in lagu xiray dalka Faransiiska halkaasi oo ay ka dhigayeen dibadbaxyo dowladda looga soo horjeeda. Dad lagu qiyaasay 125,000 oo qof ayaa isugu soo baxay magaalooyiinka guud ahaan dalka Faransiiska.

Dibadbaxayaasha ayaa ka cabanaya qiimaha maciishadda oo ay sheegeen in ay sareeyso.

Meelaha qaar waxaa isku dhacay booliiska iyo dibadbaxayaasha.

Dowladda Faransiiska ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay wadaxaajood ay la gasho dibadbaxayaasha si nabadda ah howshooda u wata.

Madaxwayne Macron ayaa lagu wadaa in uu khudbad u jeediyo shacabka Faransiiska maalmaha soo socda.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in advertise

To Top