Connect with us

somalilandtoday.com

Kooxda DAACISH Oo Toogasho Ku Dilay Wiil Dhalinyaro Ah Badhtamaha Magaaladda Boosaaso

focus

Kooxda DAACISH Oo Toogasho Ku Dilay Wiil Dhalinyaro Ah Badhtamaha Magaaladda Boosaaso

(SLT-Boosaaso)Wararka ka imaanaya Magaalada Boosaaso ee Maamul Goboleedka Puntland  ayaa waxay sheegayaa in habeenimadii Xalay lagu dilay magaaladaasi,Wiil dhalinyaro ahaa.

Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Shaafici Qarshe,waxaana la ogeyn sababta ka dambeysay in la khaarajiyo.

Koox Bistoolado watay ayaa waxay ka dambeeyeen dilka Marxuumka iyadoo kadib gacan ku dhiiglayaasha dilka ay baxsadeen.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in ciidamada Amniga ay goobta gaareen,markii wax yar kadib dilka dhacay,waxaana socda baaritaan ku aadan soo qabashada kooxdii dilka geystay.

Marxuumkaasi ayaa ahaa ganacsade mehrad ku lahaa Magaalada Boosaaso.

Dhowr mar ayaa lasoo sheegayaa in sidaan oo kale ay weerar toogasho ka dhacdo Xarunta Ganacsiga Boosaaso hadana aanan dad loo soo qaban.

Sida Aan Xogaha ku helayno waxaa Dilkaan ka dambeeya Kooxda Daacish Oo Ganacsatada Lacago Badan dul dhigay kii bixin waayana ay beegsanayaan.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top