Connect with us

somalilandtoday.com

Dawladda Ingiriiska Oo Soomaliya Ka Tageeraysa Dhisida Ciidamadda Millatariga+SAWIRRO

focus

Dawladda Ingiriiska Oo Soomaliya Ka Tageeraysa Dhisida Ciidamadda Millatariga+SAWIRRO

(SLT-Muqdisho)Wasiirka Gaashandhigga Xukumada  Soomaaliya Xasan Maxamed Cali (Amar Dambe) ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Masuuliyiin ka socotay Safaaradda Dowladda Britain ee Soomaliya ay ku leedahay.

Mudane Xasan Maxamed Cali ayaa Masuuliyiintaan kala hadlay kor u qaadista Shaqaalaha Wasaaradda iyo Saraakiisha Ciidamadda Millatariga.

Masuuliyiinta ka Socotay Safaarada Uk ee Soomaaliya ayaa Wasiirka Difaaca Dalka u soo Bandhigay aragti ku aadan muhiimadd ay leedahay ka hortaga Askariyaynta Caruurta, iyagoona Balan qaaday in tababaro kor looga qaado Aqoonta Saraakiisha Ciidanka  Millatariga  iyo Shaqaalaha Wasaaradda gaashandhigga Soomaaliya ay bixin doonaan.

Dowladda Ingiriiska ayaa ka mid ah wadamada ka taageera Soomaaliya dhinacyad amniga,dhaqaalaha dib u dhiska iyo horumarinta hanaanka dowliga ah ee dalka.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top