Connect with us

somalilandtoday.com

La-taliyihii Hore Madaxweyne Trump Oo Macluumaad Aad U Badan Siiyey Dambi Baadhaha Gaarka Ee Faragalinta Ruushka Ee Doorashada Maraykanka

focus

La-taliyihii Hore Madaxweyne Trump Oo Macluumaad Aad U Badan Siiyey Dambi Baadhaha Gaarka Ee Faragalinta Ruushka Ee Doorashada Maraykanka

(SLT-Washington)-La-taliyihii hore ee Amniga Qaranka Maraykanka ee Madaxweyne D. Trump, Micheal Flyn ayaa macluumaad aad u badan siiyey dambi baaraha gaarka ee faragalinta Ruushka ee doorashada Maraykanka Robert Mueller. Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in wax xabsi ah aanu gali doonin, sida lagu xusay warqadihii maxkamadda ee Talaadadii shalay, iyada oo wadashaqeyntiisa lagu sheegay mid aad weyn.

Waraaqahan maxkamadda ee uu xereeyey Robert Mueller ayaa faahfaahinaya kaalmada uu Flyn ka geystay baarista faragalinta Ruushka, isaga oo dacwad-oogashu ay la yeesheen 19 wareysi.

Warkan ayaa imamaya labo toddobaad ka hor, xiligii Flyn la xukumi lahaa iyo muddo hal sano in yar ka badan xiligii uu qirtay in uu been u sheegay hay’adda FBIda, shirkii uu la yeeshay danjirihii Ruushka ee xiligaas, isaga oo D. Trump wakiil ka ah.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top