Connect with us

somalilandtoday.com

Ilmihii U Horreeyay Oo Ku Dhasha Makaan Ay Ku Tabarucday Hooyo Dhimatay

focus

Ilmihii U Horreeyay Oo Ku Dhasha Makaan Ay Ku Tabarucday Hooyo Dhimatay

(SLT-São Paolo)-Gabadh caafimaad qabta ayaa dhalatay iyadoo la adeegsanayo makaan la talaalay oo laga soo jaray mayd.

Qalliin 10 saacadood qaatay iyo dawayn dhanka taranka ah oo markii dambe la sameeyay oo ka qabsoomay magaalada São Paolo ee dalka Brazil sannadkii 2016.

Hooyadan umusha ah oo 32 sano jirta ayaa dhalatay iyadoo aan makaan lahayn.

Soddon iyo sagaal makaan oo ay ku tabaruceen dad nool ayaa horay loo tallaalay waxaana ku dhashay 11 carruur ah.

Dadka tabarucaadaas ka qayb qaatay waxaa ka mid ah hooyo gabadheeda u hibaysay makaankeedii.

Balse toban ruux oo dhimatay oo horay la isugu dayay in makaankooda qof kale loogu tallaalo ayaa natiijo la’aan ku dambeeyay ama carruur dilanta.

Dawooyin la siiyay

Arrintan hadda taaganse waa makaan ay ku tabarucday hooyo da’da afartameeyada ku jirtay oo saddex ilmood soo dhashay, taas oo u dhimatay dhiig maskaxda kaga furmay.

Gabadhan loogu deeqay minka ama makaanka ayaa qabtay xannuunka Mayer-Rokitansky-Küster-Hauser kaas oo ku dhaca mid ka mid ah 4,500 ee dumar ahba, kaas oo horseeda in uusan sidoodii u samaysmin xubinta taranka ee dumarka ama makaanka.

Si kastaba ha ahaatee ugxanteeda ayaase fiicnayd, dhakaatiirta ayayna u suuragashay in ay ka soo saaraan oo ay ku bacrimiyaan mani ayna kaydiyaan.

Gabadha ayaa la siiyay dawooyin daciifiya habka difaaca jidhkeeda si aysan u weerarin xubinta lagu tallaalay.

Guul caafimaad oo la gaadhay

Lix toddobaad ka dib ayay billawday in ay caado hesho.

Toddobo bilood ka dibna ukumihii la bacrimiyay ayaa lagu tallaalay.

Markii uu uurku caadi noqdayna qalliin ayaa lagaga dhaliyay 15 Disembar ee sannadkii 2017.

Dr Srdjan Saso oo ka tirsan Imperial College London ayaa sheegay in warkan uu yahay mid aad iyo aad u wanaagsan.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top