Connect with us

somalilandtoday.com

Qarax Gaadhi Oo Goor Dhowayd Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

focus

Qarax Gaadhi Oo Goor Dhowayd Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

(SLT-Muqdisho)-Qarax ayaa goor-dhawayd ka dhacay agagaarka Isgoyska Sayidka ee magaalada Muqdisho, kaasoo ahaa gaadhi yar oo lagu xidhay waxyaabaha qarxa.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ku dhintay darawalkii waday gaariga, waxaa la sheegayaa inuu ahaa Agaasime Waaxeed ka tirsan Wasaaradda Boostada.

Inta badan qaraxyada lagu xidho gaadiidka yar ayaa ka mid noqday bartilmaameedyo lagu dilo saraakiisha ciidamada, mas’uuliyiinta iyo dadka kale.

Todobaadyo ka hor ayay aheyd markii Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle iyo darawalkiisa lagu dilay qarax loogu xiray gaariga ay la socdeen.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top