Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxda Jabhada ONLF Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Jigjiga

focus

Madaxda Jabhada ONLF Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Jigjiga

(SLT-Jigjiga)-Wafti uu hoggaaminayo guddoomiyaha ururka ONLF Maxamed Cumar Cismaan ayaa maanta gaadhay magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad degaanka Soomaalida ee waddanka Itoobiya.

Xubnaha wafdigan oo ka soo kicitimay magaalada Addis Ababa ayaa boqolaal ruux oo kamid ah dadka ku nool magaalada Jigjiga ay si weyn u soo dhoweeyeen iyagoo ruxaya calanka jabhada ONLF.

Waddooyinka magaalada Jigjiga ayaa lagu sharxay calanka ONLF iyo calanka Dowlad degaanka Soomaalida. Waxaana ka muuqday dadka ku nool magaalada Jigjiga farxad iyadoo ay tahay tobaanan sano kadib markii madaxda ONLF ay cagaha soo dhigaan magaalada Jigjiga.

Kahor inta aysan ka soo ambabaxin magaalada Jigjiga ayuu guddoomiyaha ururka ONLF waxa uu ka sheegay xaflad lagu soo sagootinayay xubnaha wafdigiisa in halganka ay ku jiraan inuu yahay mid soo bilowday xilligii Axmed Gurey isla markaana uu yahay mid lagu doonayo gobanimo iyo caddaalad.

Dhowaan ayaa dowlada uu madaxda ka yahay Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed uu heshiis la galay dowlada Eritrea iyo weliba jabhadihii ka soo horjeeday dowlada Itoobiya oo fadhigoodu ahaa dalka Eritrea.

Dhowaan ayaa boqolaal ciidamada jabhada ONLF waxa ay soo gaareen magaalada Jigjiga kadib markii uu ururka ONLF ahaa mid dagaal ku dhufo ka dhaqaaq ah kula jirey dowlada Itoobiya.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top