Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweynaha Maraykanka Oo Baajiyey La Kulankii Dhiggiisa Dalka Ruushka Iyo Walaac Uu Ka Qabo Baadhitaanka Ku Socda

focus

Madaxweynaha Maraykanka Oo Baajiyey La Kulankii Dhiggiisa Dalka Ruushka Iyo Walaac Uu Ka Qabo Baadhitaanka Ku Socda

(SLT-Washington)-Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu baajiyey kulankii la filayey inuu la yeesho Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo ay ka wada qeyb galayaan shirka dalalka G20 oo ka dhacaya dalka Argentina.

Go’aanka Trump ayaa kusoo beegmay xili uu khamiistii shalay u safrayey magaalada caasimahada Argentina ee Buenos Aires, kadib markii ay soo shaac baxday in Qareenkiisii hore Micheal Cohen lagu helay danbiyo ah inuu been u sheegay danbi baarayaasha FBI ee baaraya xiriirka ka dhaxeeyey Trump iyo Ruushka xiligii doorashada uu ku jiray.

Micheal Cohen oo ahaa Qareenkii hore ee Trump ayaa la sheegay inuu danbi-baarayaasha ka qariyey gorgortankii Trump kula jiray Ruushka dhismaha hotel uu doonayey inuu ka dhisto magaalada Moscow, arrintan oo dhaawici karta Madaxweynaha Maraykanka oo isagu weli beeninaya inuu wax xiriir qarsoodi ah lalahaa Ruushka.

Balse Trump ayaa ku dooday in baaqashada la kulanka Putin ay la xariirto xiisada hada ka dhex taagan Ruushka iyo Ukraine.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top