Connect with us

somalilandtoday.com

Goormay Burco noqotay Magaaladii Ragga…W/Q Cabdisataar Sabri

Articles

Goormay Burco noqotay Magaaladii Ragga…W/Q Cabdisataar Sabri

Xilligii Ingiriisku joogay dhulkan Somaliland dadka reer Burco way ka dabeecad iyo caado duwanaayeen dadyowga kale sida ay haddaba wax badan ugaga gadisan yihiin lknse Xilligaa Burco iyo ingiriisku judhiiba way is fahmeen waxaanuu dareemay ingiriisku in aanay Burco ahyn meel degdeg ugu rabaysmaysa damaciisa Dahaadhan Ka dibna Marhadii ay si shishe isu arkeen Ayuu ingiriisku Wuxuu dejiyay qorshe Farshaxamaysan oo uu xarunta maamulkiisa Hargaysa ku gaynayo, balse intii aanu Xarunta maxmiyada aanu Hargaysa ka dhigin ayay magaalooyinkii waawaynaa odayaashii iyo waxgaradkii joogay wax badan is yidhaahdeen.

Burco iyo Hargaysa ayaa kamid ahaa magaalooyinka dad badan ku noolaa degenaa Burco ayuu ingiriisku la kulmay oo ku yidhi Magaalada Burco Horta yaa iska leh kadibna waxay Odayadii Burco ugu jawaabeen sida uu ileehay nooleeyahay ayay Ragayagan kula Hadlaya iyo inta aanu matelnaa uleeyihin Burco Saraakiishii ingiriis ee maxmiyadu okayda ayay siiyeen ragii Burco kadibna socod koodii ayay sii wateen. Ileen waa niman raba magaalo ilaahay leeyahaye
Hargaysa ayuu ingiriisku iyana Ragii joogay la kulmay kadibna isla waydiintii Burco tu lamida ayaa ragii hargysa la waydiiyay
Reer Hargysa waxay ku yidhaahdeen ingiriiskii Magaalada Hargaysa ilaahay baa iska leh kadib na …….
Markaas muu in giriisku go’aansaday inuu kala doorto Magaalada ragii lahaa sheegteen iyo Magaalada aan Cidna sheegan ee ilaahay leeyahay sidaas ayuuna Hargaysa ugu doortay Xarunta maamulkiisa guud ee Maxmiyadda in ay noqoto
Sida taariikhta kucad Deegaanada Togdheer ee Burco xarunta utahay ayaa ahaa kamid ahaa ama ahaa halkii Uhoraysay ee Ingiriisku saliga dhigto, markaa Hadalka Maayerka Burco Waxaa la odhan karaa waa saxdii oo Burco waa magaaladii Ragga…

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top