Connect with us

somalilandtoday.com

Diyaarad Siday Angela Merkel Oo Deg Deg Loo Fadhiisiyay.

focus

Diyaarad Siday Angela Merkel Oo Deg Deg Loo Fadhiisiyay.

(SLT-Barlin)Wararka ka imanaya dalka Jarmalka ayaaa sheegaya in diyaarad ay saarneyd haweeneyda madaxda ka ah dalka Jarmalka Angela Merkel kuna sii jeeday dalka Argentine ayaa si deg-deg ah dhulka u fariisatay kadib markii cillad farsamo ay soo wajahday.

Diyaarada oo nooceedu ahaa Airbus A340 ayaa waxaa la socday wafdi ay hogaaminayso Angela Merkel oo ka qeybgali lahaa shirka G20 oo ka dhacaya magaalada Buenos Aires ee dalka Argentina waxaana si deg-deg ah loo fariisiyay garoonka diyaaradaha magaalada Cologne.

Xilligii la dareemay in diyaaradu ay cillad soo wajahday ayaa waxa ay dul maraysay hawada dalka Netherland saacad kadib markii ay duushay waxana uu sheegay duuliyihii in cillad farsamo ay hayso balse aysan diyaaradu halis ku jirin.

Diyaarad nooca kuwa ciidamada ah ayaa loo diyaariyay wafdiga ay horkacayso Angela Merkel in ay u raacaan dalka Argentina oo maanta oo Jimce ah uu ka furmayo shirka G20 taas oo bedel u ah diyaaradii cillada ku timid.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top