Connect with us

somalilandtoday.com

Mareykanka Oo War Ka Soo Saaray Duqeyn Ka Dhacday Soomaaliya

focus

Mareykanka Oo War Ka Soo Saaray Duqeyn Ka Dhacday Soomaaliya

(SLT-Muqdisho)-Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa qoraal uu soo saaray waxaa uu ku sheegtay duqeyn ka dhacday deegaan ku dhow Caad oo ka tirsan Gobolka Mudug ee dalka Soomaaliya.

War saxaafadeed ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in duqeynta ay dhacday xalay fiidkii oo taariikhda ku beegneyd 27 November.

Duqeynta ayaa lagu dilay saddex dagaalame, waxaana wararka sheegayaan in la beegsaday kolonyo ay la socdeen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in qiimeyn ay sameeyeen ku ogaadeen in aanay jirin dad rayid ah oo ku waxyeeloobay duqeyntaas.

Sidoo kale War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in duqeyntii xalay ka daba socoto duqeymo guuleystay oo ka dhacay deegaanka 19 iyo 20 bishan November.

Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa si joogta ah war uga soo saara duqeymaha uu ka fuliyo Soomaaliya, waxaana shalay booqasho lama filaan ah ku yimid Muqdisho Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika Gen. Thomas Waldhauser.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top