Connect with us

somalilandtoday.com

Imikaa Askari Degay ( Abdi-Shotaly).

Articles

Imikaa Askari Degay ( Abdi-Shotaly).

Ilaah ha u naxariisto’e C/ raxman Axmed Cali iyo Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal, waxay la soo kici lahaayeen luxudka haddii ay ka war hayaan, dalkii mid-na uu xoreeyey.


mid-na salka u dhigay xaalka uu ku sugan yahay maanta. Akhrista-yaal maansadan dheeri, waxay banaanka soo dhigaysaa, amuuro lagu goblamay, oo uu dhigay askarigan Meesha walaaqay, laga soo bilaabo halgankii, ummadu ay moodaysay in ay wax korordh-sanayso, ee ay qoriga degta saareen, noqon waayey wixii ay ku talo galeen, isaga oo horsed ka ahaa, in alaale intii dib u dhac ka timi, haday tahay dagaalo sokeeye, boob, is nacsiin, qaybi oo xukun, hadba gaashaan buur u samayso, qabyaalad daaha goosatay, been iyo xaaraan aan laga xishoonayn, waxay ku taabsii-naysaa maansadani, xaqiiqdda taagan iyo sidda ay askartu dariiqii uga duday ummadda, imikana ay gobola dhami Meesha ka baxeen, inta kale-na ay sii kala jeedo, markaa waxan idinka codsanayaa in aad akhridaan, iyadda baa isu kiin sharixi doontee

Dood weeye qoto-dheer, dareen-keeda wadatoo,
Deeleey waa ramad, xoor laga dur-duurtaa,
Iska daadi maahee , rag baa loo dul joogaa,
Duunya-diisa ay tahay, dambar-keedda lisa’oo,
Wax kale-ba u daaq tegin, doolaalad ugu iman.

Wixii hore-ba daayoo, waataa askari degay,
Kala diray dad-kiiyee, inba gees u didayaan,
Degma-iisaa mooyee, cid kale-ba danayn,
Dulmi hanta buuxiyey, misna loo dabaal dego,
Reer-kayga ii daa, dadka kale-na yeelood.

Derder maaha sheekadu, dafdaf-tana laguma gallo,
Duuduub-na waa bello, dul ka xaadis weeyaan,
Ma cadeyso denbigoo, halka doogtu ay tahay,
Ma dilaacsho diirkee, wuu sii dahaadhaa,
Qalin duure weeyoo, dube weyn la soo kacay,

Wixii hore-ba daayoo, waataa askari degay,
Kala diray dad-kiiyee, inba gees u didayaan,
Degma-iisaa mooyee, cid kale-ba danayn,
Dulmi hanta buuxiyey, misna loo dabaal dego,
Reer-kayga ii daa, dadka kale-na yeelood.

Cidda uu duraa-yiyo, xumba-diisa doob-tiyo,
Gol daloola-diisaa, uu ku daahay haraguu,
Nin da’ weyni wuu garan, ilimaha daloolee,
Dabaylaha wax qaadiyo, duufaan habeen-nimo,
Midka daadka soo rogga, ee dumiya moos-yadda.
Wixii hore-ba daayoo, imikaa askari degay,
Kala diray dad-kiiyee, inba gees u didayaan,
Degma-iisaa mooyee, cid kale-ba danayn,
Dulmi hanta buuxiyey, misna loo dabaal dego,
Reer-kayga ii daa, dadka kale-na yeelood.

Tani waa dardaa-rane, waxay tidhi da’ laydani
Xalay goor dambay tahay, dawakhaad ku kacayoo,
Dam-dam iyo durbaan baa, docdda layga tumayoo,
Is diid-siiyey dhawr jeer, misna doonay aragood,
Naftu dayrisoo tidhi, waxba haysku daaline

Wixii hore-ba daayoo, waataa askari degay,
Kala diray dad-kiiyee, inba gees u didayaan,
Degma-iisaa mooyee, cid kale-ba danayn,
Dulmi hanta buuxiyey, misna loo dabaal dego,
Reer-kayga ii daa, dadka kale-na yeelood.

Derma-daadda sii jiif, dana-haaga maahee,
Waa lays derde-rayaa, debedaa-ba haw bixin,
Duul baa ku nooloo, wixii aanay doonayn,
Dabin bay u qoolaan, iyakaa dambaa-bidha,
Dugaag bay u loogaan, way dalamsa-daanoo,
Wixii hore-ba daayoo, waataa askari degay,
Kala diray dad-kiiyee, inba gees u didayaan,
Degma-iisaa mooyee, cid kale-ba danayn,
Dulmi hanta buuxiyey, misna loo dabaal dego,
Reer-kayga ii daa, dadka kale-na yeelood.

Diir-kiyo laf-taba liqa, Dibna-hoodda dhiig iyo,
Inta darib baruura ah, ka deldelan can-koodaa,
Markaad dacal ka eegtaba, jidh dubaaxi-yaayoo,
Diirnaxaaba kuma yaal, inta daabka lala dhacay,
Inta dayrka lagu gubay, inta Dayaca lagu dilay
,
Wixii hore-ba daayoo, waataa askari degay,
Kala diray dad-kiiyee, inba gees u didayaan,
Degma-iisaa mooyee, cid kale-ba danayn,
Dulmi hanta buuxiyey, misna loo dabaal dego,
Reer-kayga ii daa, dadka kale-na yeelood.

Inta ay dayuuradi, dusha sare ka timi,
Ku dam siisay qumbulado, baabbi’isay degelkii,
Da’ kastoo ku noolayd, dumar iyo caruutii,
Kuwa dirca lagu sido, indhoolaha wax deyi karin,
duunyaddii dhamaan-teed, kolay tahay dameeraha,

Wixii hore-ba daayoo, waataa askari degay,
Kala diray dad-kiiyee, inba gees u didayaan,
Degma-iisaa mooyee, cid kale-ba danayn,
Dulmi hanta buuxiyey, misna loo dabaal dego,
Reer-kayga ii daa, dadka kale-na yeelood.

Dhiin iyo lo’doo dihin, dalawaddi irmaanayd,
Laxdda dooxa loo dhigay, darartii riyaha iyo,
Diiqo iyo karuurkii, iyakoon wax dhamin dhishay,
Inan diib is marisoo, tima-dabatay quruxoo,
ku dekaysa buul caws, waa hore is daayeen,

Wixii hore-ba daayoo, waataa askari degay,

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top