Connect with us

somalilandtoday.com

“Idinkuna Jaadka Naga Qaata Annagana Kalluunka Noo Keena…” Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta

focus

“Idinkuna Jaadka Naga Qaata Annagana Kalluunka Noo Keena…” Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta

(SLT-Nairobi)-Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa intii uu socday shirkii shalay soo gabogaboobay ee Dhaqaalaha Biyaha waxa uu booqday goobtii lagu soo bandhigayay wax soo saarka Soomaaliya, wuxuuna ka yidhi hadal kaftan-ah.

Sida ka muuqata muuqaal ay faafisay wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya, mid ka mid ah hawlwadeenada goobta bandhigga ayaa madaxweynaha u sharaxayay kheyraadka kalluunka ee Soomaaliya, wuxuuna yidhi “Waxaan rabnaa in kalluunka Soomaaliya loo iib keeno Kenya”.

Kadibna Uhuru Kenyatta ayaa ku jawaab celiyay “Haa kalluunka Soomaaliya waan soo dhoofsanaynaa, idinkuna qaadka naga dhoofsada”.

Qaadka ayaa ah 90% badeecooyinka ay u dhoofiso Soomaaliya, sannadkii horena waxaa kasoo galay lacag dhan Sh8.02 bilyan oo lacagta Kenya ah.

Kalluunka Soomaaliya

.Lahaanshaha sawirka.

Inkasta oo inta baddan la sheego in kalluunka Soomaaliya si sharci darro ah loo guryo, haddane waxaa jirta xaddi yar oo ganacsato Soomaaliyeed ay u iib geyso dalka Kenya.

Sida aan ku faafinay warbixin bishii June ee sannadkan, ganacsato ku sugan magaalada Kismaayo ayaa BBC-da u sheegay in sannadkii lasoo dhaafay ay magaalada Mombasa u dhoofiyeen 47 tan oo kalluun ah.

Labadan dal ayaa waxaa ka dhaxeeya heshiis aan cago badan ku taagnayn oo iskaashi ganacsi ah, kaas oo illaa hadda la sheegay in dheelitirka uusan sax ahayn, una janjeero dhanka Kenya oo maalin kasta qaad aad u tiro badan u dhoofisa Soomaaliya.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top