Connect with us

somalilandtoday.com

Dalka Georgia Oo Yeelatay Madaxweynihii Ugu Horreeyay Ee Dumar Ah

focus

Dalka Georgia Oo Yeelatay Madaxweynihii Ugu Horreeyay Ee Dumar Ah

(SLT-Georgia)-Salome Zurabishvili ayaa ku guulaysatay doorashadii madaxweynenimada ee dalka Georgia, iyada oo sidaas ku noqotay haweenaydii u horraysay ee kursigaas ku fariisata.

Iyada oo codadka oo dhan la tiriyayna dublamaasiyaddan hore ee Faransiiska ku dhalatay ayaa heshay 59%, Grigol Vashadze oo ay is hayeenna wuxuu helay 40%.

Zurabishvili ayaa taageero ka heshay xisbiga talada haya ee Georgian Dream halka Vashadze uu u sharaxnaa mucaaradka.

Dastuur cusub ayaa dalkaas ka dhaqan galaya dhawaan, doorka madaxweynaha ayaana intiisa badan noqon doona mid maamuus.

Mr Vashadze ayaa loo arkaa in uu u janjeero dhanka reer GalbeedkaLahaanshaha sawirkaEPAImage captionMr Vashadze ayaa loo arkaa in uu u janjeero dhanka reer Galbeedka

Zurabishvili ayaa qabta in la isu miisaamo xiriirka uu dalka Georgia la leeyahay Ruushka iyo reer galbeedka.

Vashadze oo ahaaa wasiirkii arrimaha dibadda markii uu dagaalku dhex maray Georgia iyo Ruushka ayaa loo arkaa in ay uu u janjeerto dhanka reer Galbeedka.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top