Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweynaha Soomaaliya Oo Khadka Telefoonka Kula Hadlay Amiirka Qatar Iyo Arrimaha Ay Ka Wada-Hadleen

focus

Madaxweynaha Soomaaliya Oo Khadka Telefoonka Kula Hadlay Amiirka Qatar Iyo Arrimaha Ay Ka Wada-Hadleen

(SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Khadka Telfoonka kula xidhiidhay Amiirka Qatar, Sheekh Tamim bin Xamad Al Thani, iyagoo isla soo qaaday Arrimo khuseeya Labada Dal.

Madaxweynaha iyo Amiirka Qatar ayaa ka wada hadlay xoojinta xidhiidhka Labada Dal iyo sidii loo xoojin lahaa taagerada Dowladda Qatar ay ka geeysanayso dib u dhiska dalka, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo laamaha dowladda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Amiirka Qatar la wadaagay Horumarada ay Soomaaliya ku talaabsatay muddadii la soo dhaafay.

Amiirka Dalka Qatar Sheekh Tamim Bin Xamad Al Thani, ayaa ballan qaaday in Dowladdiisu ay Soomaaliya garab taagan tahay, gacanna ka geeysan doonto kobcinta dhaqaalaha dalka, dib u dhiska iyo horumarinta kaabeyaasha nolasha.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bogaadiyey dadaalka ay ugu jiraan diblumaasiyiinta labada dal sidii sare loogu qaadi lahaa xidhiidhka labada dal loona gaadhi lahaa iskaashi dhammaystiran oo ah dhammaan dhinacyada horumarka.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top