Connect with us

somalilandtoday.com

Xukuumadda Itoobiya Iyo Mucaaradka Oo Uu Shir Furmay Iyo Arrimaha Lagaga Hadlayo

focus

Xukuumadda Itoobiya Iyo Mucaaradka Oo Uu Shir Furmay Iyo Arrimaha Lagaga Hadlayo

(SLT-Addis Ababa)-Waxaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya maanta ka furmay shir ay leeyihiin mucaaradka iyo xukuumadda, waxaana looga hadlaya arrimaha ku saabsan doorashada 2020-ka ee dalkaasi ka dhici doonto.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed oo kulanka soo qabanqaabiyay ayaa sheegay in kulanka ay uga hadlayaan sidii doorashada caddaalad ah, xor iyo nabad ah u dhici lahayd.

Shirka oo hadda socda waxaa la filayaa inay kasoo saaraan qodobada doorashada oo wax ku ool ah oo ay isku afgartaan mucaaradka iyo dowladda Itoobiya.

Kulanka waxaa ka qeyb galaya ra’iisul wasaaraha Itoobiya iyo hoggaamiyeyaal mucaaradka ka socda.

Abiy Axmed ayaa madaxda mucaaradka kala hadlaya sidii loo sii xoojin lahaa isbadallada horumarineed ee dalkaasi ka socda.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top