Connect with us

somalilandtoday.com

Weedha Professor Axmed Maxamed Cadaad Ee Quraanka iyo Sayniska..W/Q Siciid Maxamuud Gahayr

Articles

Weedha Professor Axmed Maxamed Cadaad Ee Quraanka iyo Sayniska..W/Q Siciid Maxamuud Gahayr

Qof ahaan waxa aan bartay isaga oo bare ka ah Kulliyaddii Tababarka Macallimiinta Hargeysa, 2001-2003 ayay ahayd. Gu’gii 2004-2005 ayuu bare iigu ahaa dugsiga sare ee Aljasiira. Laba saacadood oo is-xiga ayaan ka dhigan jiray maaddada Bayoolajiga. Macallin aftahan ah, aqoon leh, ardaydana guubaabiya ayuu ahaa. Waxa uu ka mid ahaa indheer-garadkii doorka ka qaatay hal-tebinta cilmiga Sayniska.

Dhanka kale waxa uu qabtay xilal ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Haayadda Shaqaalaha Dawladda Somaliland.Hannaankii waxbaristiisa

oo isoo jiidatay awgeed waxa aan ku maamuusay maanso magaceeda la yidhaahdo Bariidiyo Salaan. Tan iyo waagaas oo laga joogo 14 gu’ ayaanu lahayn is-aqoon iyo xidhiidh toos ah oo ku salaysan qaddarin iyo xurmo.
Professor Axmed Maxamed Cadaad waxa uu noqday Hormoodka Kulliyadda Sayniska iyo Tiknoolajiga ee Jaamacadda Hargeysa. Markii uu xilkaas qabtay waxa ay ka koobnayd laba dhudood oo kala ah: Bio/Chemis iyo Physio-Maths. Waxa uu ku kordhiyay laamo ay kamid yihiin: Nutrition, Biomedical Sceince iyo Statistics
Professor Axmed Maxamed Cadaad waxa uu ka mid ahaa dad aan u bandhigay inay soo akhriyaan, weedhna ka yidhaahdaan buugga Quraanka iyo Sayniska. Hilaad ku siman 2011kii ayay ahayd.
Weedh-maamuuskiisa ayaa u dhignaa sidan:
”Aqoon-sayniseedka iyo aqoonta Quraanka ee uu buuggani dadka ku kordhinayaa waa mid qotodheer, oo mug iyo baaxadba leh, oo korinaya ama kobcinaya fahmo-garashadooda (intelligence), dareennadooda aragga, urinta, maqalka, dhadhanka iyo taabashada. Waxa ay indha-indhaynaysaa waxyaalaha Eebbe-abuurka ah (nature).
Waxa ay kobcinaysaa sidii ay dadku ugu fiirsan lahaayeen gedgeddoonka Eebbe-abuurka. Waxa ay daah-rogaysaa awoodda Eebbe ee ku mooro-duugan carro-edeg. Waxa ay kordhinaysaa waxa ugu cabbir yar sida atamka illaa waxa ugu weyn ee ifka Alle ku abuuray.
Buuggani waxa uu soo bandhigayaa aqoon saynisku ogaaday xilliyadan dhaw, Quraankuna ka warramay 1400 sano ka hor, taas oo saamayn ku yeelan karta dadka sayniska yaqaan ee aan Islaamka ahayn.
Waxa aan u soo jeedinayaa aqoonyahannada Culuumta sayniska ka soo dheegay Quraanka iyo duco ballaadhan oo qotodheer oo ah in uu Ilaahay cilmi-baadhis sayniseedka ku qotonta ka dheegista sayniska Quraanka in uu u fududeeyo, hilaadin iyo hanweynna Ilaah ku abuuro. Hambalyo iyo bogaadin muhiim ah oo u qalanta, isla markaasna ay mutaysteen ayaa aan u soo jeedinayaa.
Waxa kale oo ay mudan yihiin in lagu ammaano inta ifka ka joogta aragtida ebyan ee ergada u ah uunka arlada ku uumman oo idil. Maadaama oo aynu nahay ummad 100% Islaam ah, waa ay habboon tahay waanan taageersanahay in mustaqbalka Culuumtan lagu daro manhajka kulliyadaha sayniska iyo Daraasaadka Islaamka ee Jaamacadaha dalka, haddii Alle idmo.
Siciid Maxamuud Gahayr waxa uu istaahilayaa isla markaasna uu mutaystay in loogu yeedho ”Cilmi-baadhe” ”researcher”. Waxa aan ku bogaadinayaa dedaalkaa dheeraadka ah ee uu sameeyay, aniga oo horena ugu bartay in uu yahay hal-abuur gabayaa ah (creative poet). Buuggan uu amuumaday ee ibdaac ahaan uga soo maaxday waa hawl qaali ah oo qiimo iyo qaayo ugu fadhida dadka oo dhan.
Waxa aan ku dhiirrigelinayaa in aanu ka daalin, kana niyad-jebin, tifaf-tirka buugga, sidoo kalena uu u qori lahaa buugaag kale oo inna anfaca if iyo aakhiroba. Waxa aan ku guubaabinayaa in uu wacneeyo, oo uu wanaajiyo buuggan. Himiladaaduna ha ahaato in aad gaadho heerka qoraayada caalamiga ah (International Historian Status)”
Bare Sare Axmed Maxamed Cadaad, Hormoodkii Hore (Dean) Ee Kulliyadda Sayniska iyo Tiknoolajiyadda ee Jaamacadda Hargeysa

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top