Connect with us

somalilandtoday.com

Somalilaanay Ma Dibaa Loo Soconayaa Mise Horaa Loo Soconayaa ? Intaay Dalka Maamulayaan Sadex Gole Oo Maandheytkoodii Dhamaaday !

Articles

Somalilaanay Ma Dibaa Loo Soconayaa Mise Horaa Loo Soconayaa ? Intaay Dalka Maamulayaan Sadex Gole Oo Maandheytkoodii Dhamaaday !

Dalku Wuxuu u baahan yahay karti- hogaamineed oo qoto dheer oo ka mudh-bixi karta dabeylaha siyaasadeed ee maanta ka taagan Somaalilaan iyo mandaqada. Waxaa Xukuumadihii kala danbeeyey ee JSL ay caadeysteen in kolba dib loo dhigo Doorashooyinka iyaga oo indhaha ka qarsanaaya cawaaqib xumada ay ku reebayso habka Dimuqraadiyadeed ee aynu qaadanay. Waxay arintani baabiisay sumcadii iyo karaamadii Somalilaan, Gaar ahaan hab maamuuskii gaarka ahaa iyo hab dhaqankii Siyaasadeed ee Caalamku Somalilaan ku qaabili jirey. Hab maamuuskaas ( Somaliland Special Arrangement ) Wuxuu hada ku danbeeyey in uu meesha ka baxo. Waxaana dhamaan mashaariicdii Horumarineed ee Somalilaan la siin jirey lagu xawilay Somali-Weyn si loogu soo mariyo, taana waxaa keenay Siyaasad xumadii xukuumadihii Kulmiye ee kala danbeeyey .

 Galaan galkii siyaasadeed ee caalamiga ahaa ee Diblomaasiyiinta Somaalilaan ay ictiraafka ku raadin jireen ayaa isna sii wiiqmay oo meesha ka baxay, maadaama aan la hubin in doorasho dhacayso sanadka danbe iyo in kale . Dabcan sida Madaxweyne MBA shirkiisii Jaraa’id kaga dhawaajiyey wuxuu qiray in doorashooyinka is barkani ay u baahan yihiin mudo 10 bilood ah ugu yaraan oo loogu diyaar garoowo, sidaa daraadeed waxaa aan caad saarneyn oo ummadda u cadaatay in aanay Doorashooyinku marnaba ku dhaceyn waqtigii loo cayimay ee loogu talo galay. Nasiib daro doorasho kasta oo Somaalilaan ka dhacday midna kumay dhicin waqtigii loo cayimay ee loogu talo galay .Bal u- fiirso caadooyinka mudo kordhineed ee hoos ku taxan:

A ) Silsilada taariikhda muddo kordhineed ee Golaha Baarlamaanka JSL ee maanta kuraasta ku fadhiya :
1. Waxa loo kordhiyay laba sannadood oo ka bilaabantay 30/10/2010, kuna beegnayd 30/6/2013

2. Waxa loo kordhiyay laba sannadood bil iyo 27 maalmood oo ku beegnayd 2/27/2015

3. Mar saddexaad waxa loo kordhiyay laba sannadood oo kaga eekayd 27/10/2017

4. Markii afraad waxa loo kordhiyay laba sannadood oo aheyd 28/4/2017 ilaa 28/4/2019

5- Mar Shanaadkiina dhawaan ayaa lagu dhawaaqi doonaa ka soo bilow 28/4/2019 ilaa iyo ???

B) Taariikhda mudo kordhineed ee Madaxweynayaashii iyo Madax-weyne ku xigeenadii JSL soo maray.

1- Madaxweyne Cigaal ka soo bilow 1995 ilaa iyo 2002

2- Madaxweyne Riyaale ka soo bilow 2008 ilaa iyo June 2010

3- Madaxweyne Siilaanyo ka soo bilow Juune 2015 -27/10/2017

4- Madaxweyne MBA isagana ka filo in mudo loo kordhiyo hadii la nool yahay ?
C ) – Goleyaasha deegaanka JSL iyagana waxaa muddada loo kordhiyey 28/4/2017 ilaa 28/4/2019
D ) – Golaha guurtida iyagana waxaa mudo kordhitii ugu danbeysay loo kordhiyey 28/4/2018 ilaa 28/4/2020.

“Waa in Goleyaasha qaranku ka waan toobaan Mudo kordhinta aan la garaneyn Sababeynteeda. Waana in ay ixtiraamaan caqliga bulshada rayidka ah, karaamadda musharaxiinta cusub ee soo cartamaaya iyo dooca iyo dareenka daneeyayaasha Somaalilaan ee beesha caalamka”

Xisbiyada qaranku iyaga oo ka duulaaya awoodaha Dastuuriga ah ee ay leeyhiin , hadii ay Xukuumada kula heshiin waayaan in doorashada waqtigeeda lagu qabto.Talo qaran oo aan ka hor-imaneyn dastuurka way ku baaqi karaan, waayo goleyaal xeer dejineed ( guurti iyo Wakiilo) ku fadhiya kuraasta mudo kordhin waqtigoodii iyo maandheytkoodiba uu dhamaaday go’ aanka masiiriga ah ee ay gaadhaan muxuu noqonayaa ? ma mid xalaal ah oo waafaqsan dastuurka mise mid aan waafaqsaneyn? wuxuu noqonayaa mid aan waafaqsaneyn dastuurka qaranka. Sidaa daraadeed Dimuqraadiyada Somaalilaan sheeganaysaa xalaal ma noqonayso hadii ay dalka sii wadaan oo sii maamulaan Sadex Gole oo maandheytkoodii doorasho iyo mudooyinkii la doortay uu ka dhamaaday. Doorashooyinka aan waqtigii loo cayimay ku dhacayni waxay dhaawac iyo dhiig bax ku yihiin mar kastaba Geedi socodkii Dimuqraadiyada JSL lagu majeeran jiray.

Allaa Mahad Leh,
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi(scs)
Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq,
Qalinkii :A/rahman fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD BA
United Kingdom
London
inafidhinle@gmail.com

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top