Connect with us

somalilandtoday.com

Raysal Wasaaraha Soomaaliya Iyo Safiirka Mareykanka Oo Wada Guddoomiyay Shir Ka Dhacay Muqdisho

focus

Raysal Wasaaraha Soomaaliya Iyo Safiirka Mareykanka Oo Wada Guddoomiyay Shir Ka Dhacay Muqdisho

(SLT-Muqdish)-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa shalay shir guddoomiyay shir ka dhacay Xarunta Xalane oo looga hadlayay tubta Amniga iyo Cadaaladda ee ay u qorsheysay dawladda Soomaaliya.

Kulankan ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, AMISOM, UNSOM iyo Saraakiil ciidan oo ka kala socday Mareykanka iyo Midowga Yurub.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa kulanka ka sheegay in dowladda ay dadaal badna u gashay sidii dib u habeyn lagu sameyn lahaa hey’adaha amniga dalka, ayna ka go’an tahay in la helo amni la isku haleyn karo.

“Waxaa la joogaa xilligii la samayn lahaa maalgelin waqtiga la jaanqaadaysa, si toos ahna looga wada qayb qaato fulinta qorshayaasha Qaranka ee amniga dalka lagu sugayo”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Shirkan ayaa ahaa kii u horeeyay oo Safiirka cusub ee Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Amb. Yamamoto uu wax ka shir guddoomiyo, kaddib markii todobaadkii hore laga guddoomay waraaqaha aqoonsiga.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top