Connect with us

somalilandtoday.com

Iska Horimaad Dhex-maray Ciidammada Badda Ee Ruushka Iyo Ukraine

focus

Iska Horimaad Dhex-maray Ciidammada Badda Ee Ruushka Iyo Ukraine

(SLT-Ukraine)-Dowlada Ukraine ayaa ku eedaysay in ciidamada Badda ee Ruushka weerar ku qaadeen maraakiibtooda dagaalka, iska horimaadkaasi oo ka dhacay bada Madow ee jasiirada la isku heysto ee Crimea.

Xukuumada Kiev ayaa sheegtay in weerarkii shalay gelinkii danbe dhacay ay ku dhaawacmeen 6 askari oo ka tirsan ciidamadooda badda isla markaana Ruushka uu qabsaday 3 Markab oo ay Ukraine leedahay.

Madaxweynaha dalka Ukraine ayaa sheegay inuu soo rogayo xaalad deg deg ah si uu wadankiisa isaga difaaco duulaanka cusub ee Ruushka, walow uu sheegay in dowladiisa ay weli diyaar u tahay in hab nabad ah lagu xaliyo dhulka ay isku heystaan Ruushka ee gobalada bariga Ukraine iyo jasiirada Crimea.

Dowlada Ruushka ayaa dhankiisa sheegay in ciidamada badda ee Ukraine ay soo galeen badda Ruushka ee jasiirada ay la wareegeen Crimea isla markaana ay iyagu is difaaceen, Moscow ayaa sidoo kale maanta oo isniin ah kulan deg deg ah isugu yeertay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top