Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweyne Biixi Oo Xalay U Hoyday Laascaanood Iyo Nuxurka Kulan Uu La Qaatay Waxgaradka Iyo Madax-dhaqameedka Magaalada + Deegaanka Uu Saaka U Safray

focus

Madaxweyne Biixi Oo Xalay U Hoyday Laascaanood Iyo Nuxurka Kulan Uu La Qaatay Waxgaradka Iyo Madax-dhaqameedka Magaalada + Deegaanka Uu Saaka U Safray

(SLT-Laascaanood)-Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo maalmahan safar ku marayay gobolada Bariga Somaliland ayaa xalay waxa uu seexday magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa la sheegay in uu kulamo la qaatay Waxgaradka iyo Madax-dhaqameedka magaalada Laascaanood.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu noqonayaa Madaxweynihii labaad ee u hoyda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, taasi oo uu uga horreeyay Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Waxa shalay magaalada Laascaanood ka dhacay dibad-baxyo lagaga soo horjeedo imaanshiyaha Madaxweynaha walow si weyn madaxweynaha loogu soo dhaweeyay magaalada Laascaanood.

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Laascaanood ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu saaka subixii hore ka jarmaaday magaalada Laascaanood isaga oo kuna sii jeedo gobolka Sanaag waxaana wararku intaa ku darayaan in uu maanta bookhanayo Degmada Gar-adag iyo Ceel-afweyn

Halkan kala soco wixii ka soo kordha safarka Madaxweynaha

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top