Connect with us

somalilandtoday.com

Maraykanka Oo Beeniyay In Uu Safaaradiisa U Rarayo Magaalada Muqdisho

focus

Maraykanka Oo Beeniyay In Uu Safaaradiisa U Rarayo Magaalada Muqdisho

(SLT-Nairobi)-Maraykanka ayaa beeniyay inuu safaaradiisa Soomaaliya ee degen magaalada Nayrobi ee Kenya u rarayo magaalada Muqdisho.

Safaaradda Maraykanka, ayaa qoraal ay soo saartay waxay ku dedafaysay war ay faafisay idaacadda VOA, laanteeda Afka Soomaaliga oo waraysi ay la yeelatay safiirka cusub ee Maraykanka danjire Donald Yamamoto ku sheegtay inuu safiirku sheegay in safaaradu u guurayso Muqdisho. Safaaradu waxay sheegtay in waraysiga ay idaacadu la yeelatay safiirka aanu ku jirin in safaaradu u guurayso Muqdisho, “Danjire Yamamoto wuxuu November 23 waraysi uu siiyay weriye Sahra Cabdi Axmed oo VOA ka tirsan. Twitterkeeda waxay ku sheegay in safaaradda Maraykanka ee Nayrobi ay sida ugu dhaqsaha badan bisha December ee sannadkan ugu guuri doonto Soomaaliya. Si sax ah ulama xidhidho [hadalkaasi] wixii lagu sheegay waraysiga” ayay tidhi safaaradda oo intaas raacisay “Maraykanka waxa ka go’an inuu xoojiyo xidhiidhka, korna uu u qaado degenaanshaha Soomaaliya.”

Waxay safaaradu sheegtay in Maraykanku ku gudo jiro aasaaska joogto diblomaasiyadeed oo Soomaaliya ah.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top