Connect with us

somalilandtoday.com

Afhayeenkii Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere Oo Ku Biiray Kooxda DAACISH

focus

Afhayeenkii Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere Oo Ku Biiray Kooxda DAACISH

(SLT-Muqdisho jCali maxamuud Raagge (Cali dheere) ayaa la rumeeysan yahay in uu u xuubsiibtay kooxda Daacish sida aan xogta ku heleeyno,waxaanu  arinkaani  culeeys xoogan ku noqon karaa Kooxda Al-shabaab ee uu hore uga tirsanaa.

Al-shabaab iyo koox ajaaniib ah oo ka barbar dagaalameeyay    dhawaan iskaga hor yimi  deegaanada Gobolka  jubadda hoose kuwaasi oo la sheegay in ay u kala baxeen shabaab iyo daacish.

Afhayeenka Cali maxamuud Raagge (Cali dheere) ayaa dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay waxaa laga waayay fagaarayaasha hogaamiyayaasha al-shabaab lagu arkaayay waxaana la tuhmaayay in aanu wanaagsaneeynin xidhiidhkooda  hoose.

Talaabadaani ayaa waxaa ay sidoo kale culaysin  kartaa Dowlada soomaaliya taasi oo la ogsoon yahay in aysanq qaadin weeraro ka dhan ah kooxaha Argagaxisada ah tan iyo markii ay talada dalka la wareegeen

Dad badan ayaa aaminsan in DFS ay masuul ka tahay in ay tarmaan kooxahaani, sababtoo ah waxaa ay heleen fursado ay dhexdoodu iskugu mashquulaan maadaama aysan ka baqdin qabin weerar uga yimaado dhinaca dowladda.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top