Connect with us

somalilandtoday.com

Xaalada Caafimaad Ee Robert Mugabe Oo Laga Dayrinaayo

focus

Xaalada Caafimaad Ee Robert Mugabe Oo Laga Dayrinaayo

(SLT-Hargaysa) Madaxweynihii hore ee dalak Zimbabwe Robert Mugabe oo 94 sano jir ah ayaa la sheegay in xaalad caafimaad darro ay soo wajahday isagoo gabay socodka.

Hoggaamiyaha dalka Zimbabwe Emmerson Mnangagwa ayaa meel fagaare ah ka sheegay maanta in xaalada caafimaad ee Mugabe aysan wanaagsanayn muddo labo bilood ahna lagu daweynayo isbitaal ku yaal dalka Singapore.

“Dabcan isagu hadda waa oday da’ ah, ma awoodo inuu socdo laakiin wax walba oo uu na weydiisto aan siineynaa.”ayuu Mnangagwa ugu sheegay boqolaal ka mid ah taageerayaashiisa magaalada Zvimba oo ah oo `100km galbeed ka xigta caasimada Harare ahna halka uu ka soo jeedo Mugabe.

“Waan xanaaneyneynaa aabihii aasaasay Zimbabwida Xorta ah.”ayuu sii raaciyay Mnangagwa.

Hase yeeshee Madaxweynaha Zimbabwe ayaan faahfaahin dheeraad ah ka bixin xaalada caafimaad ee Mugabe kaasoo xukumayay wadanka Zimbabwe muddo ku dhow afartan sano laga soo bilaabo sanadkii 1980kii.

Mugabe ayaa la filayay in horaanta bishii hore ee Oktobar uu ka soo laabto dalka Singapore hase yeeshee xaalad caafimaad awgii ayaa loo baahday inuu sii joogo bil kale sida uu sheegay Mnangagwa.

Hase yeeshee waxaa la filayaa in dhamaadka bishan November uu dib ugu soo laabto dalkiisa.

Bishan ayaa waxa ay ku beegan tahay sanadguuradii koowaad markii Mugabe uu iska casilay xilka madaxtinimo kadib markii Milatarigu uu farogelin ku sameeyay maamulka dalkaas.

Bishii July ee sanadkan ayaa doorasho ka dhacday dalka Zimbabwe waxaa si dirqi ah ugu guuleystey Madaxweynaha 75jirka ah ee haatan hogaanka haya Mnangagwa.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top