Connect with us

somalilandtoday.com

“Wasiir Maaliyuhu Awood Ma U Leeyahay In Uu Qafil 99 Ah Ku Xidho Qasnadda Dawlada?” Prof. Cabdi Cali Jaamac

focus

“Wasiir Maaliyuhu Awood Ma U Leeyahay In Uu Qafil 99 Ah Ku Xidho Qasnadda Dawlada?” Prof. Cabdi Cali Jaamac

Wasiir Maaliyuhu Awood ma u Leeyahay in uu Qafil 99 ah ku xidho Qasnadda Dawlada?

Kaftanka Dadka Run Baabay Moodeen Malaha!!!

Madaxdu lacagtooda iyo adduunkooda ay shakhsiyan u leeyihiin way ku xidhan karaan qasnado adag iyo qafilo 99 ah, laakiin lacagta dawladda kuma xidhi kartaan.

Sababta oo ah waxay ku qasban yihiin in ay raacdaan budget ka ama miisaaniyadda Golaha Wakiiladu u ansixiyay; shilling kasta halkii la yidhi ku bixiya ha ku bixiyaan;wuxu yidhi:waa la qafilayaa, meelaha muhiimka ah uun baanu ku bixinaynaa; maanta taas adigaa lagu waydiin maayo, ee ku soco Budget ka; immika ama muhiim ha ahaato ama yaanay ahaane, sidaas baa lagu bixinayaa!!!; Ka kale isaguna wuxu yidhi Kitaab ayaan idinku dhaarinayaa; waar kharashka ku jira miisaaniyadda ee la anisxiyay bixi; waa maxay dhaartu; adigu ma maxkamad baa tahay!!!

Waa sharci; ma galayso kaftan; taas waa marka sharci lagu shaqaynayo; miisaaniyaduna waa xeer sharci; Sharciguna ha sarreeyo baynu nidhi; haddii kale dadka u sheega in aad meeshii ka dhigteen dukaan nin leeyahay, ka kalena uu u hayo.

Abdo; Good Governance

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top