Connect with us

somalilandtoday.com

Sadarrada Ugu Qiimaha Badan Heesta Hooyo: Meersiyo Xiska Ruxaya

Articles

Sadarrada Ugu Qiimaha Badan Heesta Hooyo: Meersiyo Xiska Ruxaya

Sadarrada Ugu Qiimaha Badan Heesta Hooyo: Meersiyo Xiska Ruxaya

Intaad hooyo nooshahay
Hambalyiyo salaan baan
Dusha kaa huwinaysaa
Habrashiyo xaqdhawr baan
Hanti kaaga dhigayaa
Markaad hooyo dhimatana
Hooggayga weeyoo
Hiyiga iyo laabtaan
Kugu haynayaayoo
Weligay hoggaagaan
Ka dul heesayaayoo
Hengel baan u xidhayaa
Inta habar dugaag iyo
Idil haadda duushee (Hadraawi)
Aniga oo meerisyadaas fasal u sharxaya ayuun baan idhi “Waxay ugu daran tahay qofka marka

hooyadii dhimato. Nasiib bay leeyihiin dad aan ku jiro oo hooyadood u nooshay”.
Jawigii Fasalka ayaa is beddelay. Hablo badan ayay ilmo ka qabatay.
Arday hablo ah baa yidhi “Macallin halkaas ka daa”
“Maxaa dhacay?”
“Hablo hooyadood dhimatay ayaa Fasalka ku jira oo xasuusa tay, oo ilmaynaya”.
Anigii ayaa jidhidhicooday.. Sharraxiina koobay.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top