Connect with us

somalilandtoday.com

Kooxo Budhcad Koonfur Afrikaan Ah Oo Dil U Geystay Ganacsade Soomaali Ah

focus

Kooxo Budhcad Koonfur Afrikaan Ah Oo Dil U Geystay Ganacsade Soomaali Ah

(SLT-Cape Town)-Allaha u naxariistee Hilaal Xirsi Jaamac oo kamid ahaa dhalinyarada Soomaali ee ganacsiyada ku leh dalka Koonfur Afrika ayaa kooxo burcada Koonfur Afrikaan ah waxa ay ku dileen magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika.

Marxuumka ayaa la sheegay in goobtiisa ganacsi ay ugu tageen burcad Koonfur Afrikaanka isla markaana rasaas ay kala dhaceen qeybta sare ee jirkiisa sida ay sheegeen dad goobjoogayaal u ahaa dhacdada lagu dilay marxuumka.

Marxuumka la dilay ayaa kamid ahaa dhalinyarada Soomaaliyeed ee aadka looga yaqaanay xaafada Hanover Park oo hoos timaadda Magaalada Cape Town .waxaana la sheegay in uu kamid ahaa dhalinyarada firfircoon ee ganacsiyada ku leh dalka Koonfur Afrika.

Kooxihii burcad Koonfur Afrikaanka ahaa ee dilay marxuumka ayaa la sheegay in ay baxsadeen ka hor inta ay ciidamada Booliska gaarin goobta uu dilka ka dhacay.

Ma ahan markii ugu horeysay oo magaalada Cape town ee dalka Koonfur Afrika ay ka dhacaan dilal loo geysanayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ganacsiyada ku leh magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top