Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweynayaasha Turkiga Iyo Soomaliya Oo Istanbul Ku Shiraaya.

focus

Madaxweynayaasha Turkiga Iyo Soomaliya Oo Istanbul Ku Shiraaya.

(SLT-Istanbul) Madaxweynaha Dalkaasi Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi  Maxamed, oo maalmihii ugu dambeeyay Safar ku joogay magaalada Roma ee dalka Talyaaniga ayaa gaadhay magaalada Istanbul ee dalka Turkey.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa inuu magaalada Istanbul maanta kula kulmo madaxweynaha Turkey Mr Erdogan, iyaga oo ka wada hadli doono taageerada Turkey ee Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa sida la Sheegay.

Xidhiidhka  Waddamada Turkey iyo Soomaaliya ayaa mugdi hadheeyay kaas oo salka ku hayay  kiiskii Dilkii Wariye Jamaal Kashoqji, kadib markii wasaaradda arrimaha dibadda Soomaliya ay soo saartay warsaxaafadeed lagu taageerayo Sacuudiga.

Arimahaasi ayay labada masuul ka wada hadli doonaan iyo isbadalka lagu sameeyay safiirkii Turkey ee magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale madaxweyne Farmaajo ayaa u mahadceliyay madaxda dalka Talyaaniga oo muddooyinkaan uu wadahadalo kula lahaa magaalada Rome ee dalka Talyaaniga.

“Waxaan aad u mahadcelinayaa Madaxweyne Mattarella, Ra’iisul Wasaare Conti iyo Afhayeennada labada aqalka sida dirran ee ay noo soo dhaweeyeen aniga iyo wafdigayga. Soomaaliya iyo Talyaaniga waxay si wadajir ah uga shaqeynayaan sidii aan horumar faa’iido wadaag ah aan u gaarsiin lahayn labadeenna shacab.” Ayuu ydhi  Madaxweyne Farmaajo oo Saxaafadda la hadlaayay ka hor intaanu Talyaaniga ka soo anbabixin.

Somalilandtoday-/Muqdisho/Office

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top